Daawo La'aanta: Beelaha laga tirada Badan yahay Soomaaliya ee La Illaawey

23 November 2010

Waxay warbixintani muujinaysaa xaaladda dayacidda ee ay ku sugan yihiin beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaaliya. Waxay ujeeddadeedu tahay in dadka laga wacyigeliyo xadgudubyada daran ee ku sii wajahan xuquuqdooda insaanka, si looga kexeyn karo ka durugsanaanta bulshada iyo saboolnimada oo loogu yeeli karo aayo ay ku helaan sharaf, fursado ay dadka kale ula siman yihiin iyo kalasooc la'aanta loogu deeqo muwaadiniinta kale ee waddankooda.

Waxay warbixintu fiirinaysaa xaaladda iminka ka jirta saddex gobol oo Soomaaliya ka mid ah – Soomaaliland, Buntland iyo konfurta dhexe ee Soomaaliya – halkaasoo jawiga siyaasiyeed ee khilaaf ka taagan yahay ay ku timid in beelaha laga tirada badan yahay ay ku sugnaadaan xaalad rajo dhig leh. Cilmibaareyaasha MRG ee Buntland waxaa loo soo sheegay xadgudubyo daran oo loo geystay xuquuqda insaan ee beelaha laga tirada badan yahay ee ku barakacay dalka gudihiisa, gaar ahaan haweenka. Waxaa soo shaacbaxay oo laga soo warbixiyey hadallo neceyb ah, barakac iyo kadeedis diinta ku sal leh, ee gaar ahaan dadka Kiristanka ah, kuwaasoo ka socda gobolka konfurta dhexe ee dalka halkaasoo rabshad badan ay ka jirto, iyadoo xarakada mujaahidiinta al-Shabaab ay xukumaan dhulka badidiis. Isla waqtigaas, Jamhuuriyadda Soomaaliland ee iskeed isu taagtay ee nabad guud ka jirto ee waqooyi galbeed kaga taalla Soomaaliya, waxaa beelaha laga tirada badan yahay weli ku haysta carqalado waaweyn oo u diiddan in ay si fiican u dhexgalaan goobaha siyaasiyeed, tacliimeed iyo bulsheed.

Ururka MRG waxuu carrabka saarayaa, ee ka mid ah talooyinkiisa, in Dastuurka cusub ee mustaqbalka loo soo saaro Soomaaliya lagu aqoonsado beelaha laga tirada badan yahay ee dalka jooga iyo in lagu ilaaliyo xaqa ay u leeyihiin kalasooc la’aanta; in la abaabulo ka qaybgalka nolosha dadweynaha ee beelaha laga tirada badan yahay; iyo in lagu dhaqaaqo tallaabooyin gaar ah oo lagu dhawrayo laguna abaabulayo xuquuqda haweenka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.

Qoraaga warbixinta, Martin Hill, waxuu ku takhasusay dhaqanka Soomaaliyeed. Waxuu waayo aragnimo badan ka leeyahay Geeska Afrika, isagoo muddo ka badan 30 sanadood cilmibaare u soo ahaa hay'adda Amnesty International.

Download the full report (Somali)

Price: £5.95

For more information on MRG’s publications, please contact publications@mrgmail.org

Share This Page

Search Publications: